Masar oo laga sameeyey goobo lagu afuriyo 2 milyan oo ruux

Masaarida Muslimiinta ah ee ka afura ama kasaxuurta meelaha ay kajiraan maa’idatu raxmaanka, oo ah xaruumaha laga helo afur ama saxuur bilaasha ah ayaa lagu qiyaasay ineey gaarayaan ku dhowaad 2-milyuun oo ruux.

meelaha masaarida muslimiinta ah ay kahelaan afur ama saxuur lacag la’aan ah ayeey ugu yeeraan “Maa’idatu Raxmaan” waana mid kamid ah caadooyinka bulshada carbeed ay leeyihiin oo ay masaaridu wali ku dhagantahay, taasoo inta badan dadka hantida leh ay ugu faa’iideystaan ineey waxbadan sadaqeystaan bisha barakeysan ee ramadaan gudaheeda.

Warbixin ay soo saartay xaruunta tirakoobka ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in qarashka kubaxaya afurinta ama saxuurinta dadka masaakiinta ah ee aan awoodin ineey sameystaan afur ama saxuurta uu gaarayo 513 milyuun oo giniga masar ah.

Sidookale warbixinta ayaa lagu sheegay in guud ahaan gobolada masar ay kajiraan inkabadan 13-kun oo maa’idatu raxmaan ah, ama xaruumaha bixiya afurka iyo saxuurta bilaashka ah.

Xaruumaha maa’idatu raxmaan waxaa maalin walba yimaada dad lagu qiyaasay 2-milyuum oo qof muslimiin masaari ah,sida lagu sheegay xaruunta tirakoobka masaarida.

Quudinta dadka masaakiinta ah waa wax ku cad diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee nabigeena naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee.

hadaba markaan kahadalno dalkeena Soomaliya waxaa jira dad badan oo masaakiin ah haba ugu darnaadeene dadka kasoo qaxay abaaraha kadhacay gobolo badan oo kuyaal bartamaha iyo kofurta Soomaaliya kuwaasoo hada magaalada muqdisho kadagan cooshado isala markaasna haysan wax ay ku afuraan ama ku saxuurtaan.

Ganacsatada iyo dadka soomaaliyeed ee ilaahay hantida siiyay waxaa fiicnaan lahayd ineey sameeyaan (Maa’idatu raxmaan) ama xaruumo lagu quudiyo dadka masaakiinta ah ee aan awoodin afurka ama saxuurta,iyadoo aan wada ognahay in bishan barakeeysan ee ramadaan qofkii sadaqo labaxo uu helayo ajir farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here