Wadanka Lubnaan oo lagu Soo bandhigay feynuusta ugu weyn dunida{SaWIRO}

Magaalada “Nabdah” ee koofurta Lubnaan ayaa waxaa hal mar iftiimiyay Feynuus dhirirkeeda lagu sheegay 18m,Feynuustan ayaa noqoneysa tii ugu weyneyd dunida inta laxasusto tariikhda.

Balaca ay ku fadhiso Feynustan ayaa lagu sheegay inuu gaarayo 5m, sidoo kale birta laga sameeyay culeyskeeda ayaa lagu qiyaasay 4 tan,waxayna sameynteeda qaadatay 180 maalmood.

Sooqaadista Feynuustan ayaa waxay ubaahatay ilaa lix gaari oo waaween si logu soo qaado loona keeno garoonka weyn ee “Nabdah”.

Feynuustan ayaa waxay leedahay 20 meelood oo aad u iftiimiya,waxaana xafladii lagu soo bandhigay kaqeyb qaatay qaar kamdi ah siyaasiyiinta ugu caansan lubnan,waxaana markii lashiday ay iftiimisay magaalada oo dhan,iyadoo aay aad ulayaabeen dadkii usoo daawasho tagay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here