Wadamadii Khaliijka ee Go’doonka galiyay Qatar oo uu xaalka ku xunyahay

Bishii Jun ee inaga dhamaatay waxaa dhacay go’aanadii ugu saameynta iyo hadal heynta badneed Qarnigaan Gacanka Khalijka, Gobalka Bariga dhexe, Dunida Islaamka iyo Caalamka intiisa kale waana; go’doomintii dalka Qadar iyo magacaabidii dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Hadaba waxaanu qormadan si gaar ah ugu eegeynaa: guulaha Qadar iyo khasaaraha Sacuudiga;

  1. Guulaha Qadar ay ka gaartay dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Awooda Ciidan;
  2. Golihii Iskaashiga Khalijka oo u qeybsamay 3 iyo 3. Jaamacadii Carabta oo u qeybsantay 12 taageertay Qadar iyo 10 taageertay Sacuudiga oo u badan Dawlado yaryar oo faqiir ama sabool ah. Dawladaha Islaamka oo intooda badan Qadar taageeray ama ka aamusay, gaar ahaan kuwa ugu awooda badan sida; Turkey, Iiraan, Indunusiya, Maleysiya iwm.
  3. Shanta dal ee golaha ammanka oo 3 ka mid ah taageertay Qadar sida; Ruushka, Shiinaha iyo Faransiska iyo laba uu Sacuudigu isku haleynayey oo noqday dhexdhexaad sida; Mareykanka iyo Ingriiska.
  4. Ururada Caalamiga ama Gobaleedka oo dhexdhexaad ka noqday xal Diblumaasi na ku dhawaaqay sida; Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iwm.
  5. Dhinaca cunaqabateynta dhaqaalaha Qadar oo heshay Qalabka iyo Cuntadii ay ka heli jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka bedelkooda Turkey, Iiraan iyo Cuman.
  6. Dhinaca Awooda Ciidan iyo Difaaca, waxey ku guuleysatay in Saldhigii Ciidan ee Mareykanka ay ku darsato Saldhig cusub ee Turkey iyo in Mareykan lagu baqdin geliyo! Hadii uu ka baxo Qadar in ay soo galayaan Ruushka iyo Iiraan oo Khalijka lala qeybsan-doono, taa ayuuna ka baqay markii ay Sacuudiga iyo Imaaraatku ka codsadeyn in uu Qadar ka soo guuro.
  7. Arimihii lagu eedeeyey Qadar oo been noqday iyo Shuruudihii lagu xiray oo lala yaabay, loona arkay in dalalka kale aysan rabin heshiis iyo nabad gobalka ka dhaca.
  8. Khasaaraha Siyaaasadeed, Dhaqaale iyo Awood Ciidan ee Dawlada Sacuudiga kasoo gaaray go’doomintii walaalkood Qadar.
  9. Hay’badii, Sumcadii, Hogaamintii iyo Magacii Sacuudiga ee dunida iyo deriska oo dhaawac soo gaaray.
  10. Shacabka Khalijka oo kala irdhoobay.
  11. Dawlado badan oo raacsanaa Sacuudi ama ixtiraami jiray oo diiday go’aanadeeda kuna cibra qaatay sida ay ula dhaqantay walaalkeed, kadibna ku waysay saaxiibo muhiim u ahaa marxaladaan sida; Turkey… iwm.
  12. Ururadii iyo Isbahaysiyadii uu hormuudka ka ahaa oo burburay ama dhaawacmay sida; Golihii Khalijka, Jaamacadii Carabta, Ururkii Iskaashiga Islamka, Isbahaysigii Ciidamada Islaamka, Xulafadii Dagaalka Yemen iwm.
  13. Hogaamintii Xulafadii Dawladaha Sunniga ah ee la dagaalanka Shiicada.
  14. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Iiraan oo ay ku soo gasho Khalijka iyo arimaha Dawladaha Sunniga ah.
  15. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Israa’il kadib markii ay ka heshay Sacuudiga Sharciyad ay mar kale ku baabi’ karto Gazza iyo Xamaas, kuna xalaashiisa karto Caasimada Qudus, kuna hagaajin karto xiriirkeeda Sacuudiga. Kadib markii lagu xukumay ururka Xamaas Argagaxiso.
  16. Waxey Fursad siisay Quwadaha waaweyn in ay ku loo lamaan, xoogna ku fara geliyaan Khalijka kuna dhex Dagaalamaana sidii Suuriya iyo Falastiin.
  17. Waxaa khatar galay arimaha Siyaasada iyo ammanka Sacuudiga iyo Gobalka ka dib go’aanka go’doominta iyo magacaabida bin Salmaan iyo dagaaladii Yemen iyo Suuriya.

Hadaba maxaa la gudboon Dawlada Somaliya iyo xiriirkeeda Khaliijka iyo Turkey iyo Iiraan, sidee dhibkooda loo yareyn karaa? Loogana Faa’iideysan karaa dhaqaalahooda iyo awoodooda Siyaasadeed?

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qormadan.

Qalinkii: Wasiiru dowlahii hore Wasaaradda Arrimaha

dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya

Mudane Maxamed Nuur Gacal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here