Wadamada horumaray oo ka shiray arrimaha dalka Soomaliya

Kulan ka dhacay magaalada Washington ee caasimadda dalka maraykanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay wadamada siddeeda ah ee dunida ugu qanisan waxana  qodobadii shirkaa ka mid ahaa  arrimo ku saabsan dalka Soomaaliya.

Warsaxaafdeed kasoo baxay kulankaasi ayaa waxaa ku qornaa arimo badan oo si gaar ah u quseeya dalka Somalia kuwaas oo ay ka mid yihiin.

1-in la taageero Soomaalida oo lagu gacansiiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen marxaladda ay haatan ku jiraan.

2-in dhinacyada soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay hishiisyadii ay ku gaarayn Garoowe kuwaas oo kala dhacay December 2011 iyo February 2012.

3- In dhinacyadaasi ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda islamarkaana ay isku taxalujiyaan sidii ay ugu bixi lahaaayeen xilliga kumeel gaarka iyo fulinta qorshaha roadmapka Somalia oo gacanooda ay ku saxiixeen.

5-in loo diyaar garoobo wixii ka dambeeya bisha August oo ay ku egtahay waqtiga dowladda xilligaasna ay dhacayaan doorashooyin.

6- G8 waxa ay soo dhaweenayaan shirkii London ee dhacay bishii February iyo qodobadii kasoo baxay, waxaana ay taageereysaa Shirarka soo socda ee ka kala dhici doono dalalka Talyaaniga iyo Turkiga ee arrimaha Soomaaliya.

7-Kooxda waxa ay dardar galineysaa ladagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubta Maraakiibta Caalamiga ah.

8- Waxa ay dowladda ka caawineysaa ladagaalanka kooxaha argigixisada ee saldhigyada ku leh Soomaaliya.

9- Waxaan kordhineenaa gargaarka dhinaca bini’aadanimada si looga gudbo duruufaha ka taagan Soomaaliya ee haysta shacabka.

Dalalka kulankaani yeeshay ee ku bahoobay G8 ayaa waxa ay kala yihiin Maraykanka, Ruushka, Canada, Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Jaban iyo Talyaaniga.