Wadahadalada Kismaayo oo meel xasaasi ah maraya, iyo qodobada labada dhinac miiska soo saareen

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada kismaayo ku sugnaay wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon Saacid, iyagoona kulamo gooni gooni ah la lahaa maamulka KMG ah ee halkaas ka taliya, waxaana labada dhinac ay kawada hadlayeen sida ugu macquulsan ee maamul laysku raacsanyahay loogu samayn lahaa gobolada jubooyinka iyo Gedo.

Goob joogayaal ku sugan shirka labada dhinac udhaxeeya, ayaa xaqiijinaya inuu jiro ismari waa labada dhinac u dhaxeeya, laakiin hadana ay jiraan talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, oo meelaha qaar laysku fahmay, si saraaxad kujirtana loo doodayo.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha, ayaa lagu sheegay in shirarka doowlada uu umatali doono wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, dhanka maamulka Kismaayana waxaa u matalaya Macalin Maxamed.

Shaxda labada dhinac:

  1. 1-Dhanka doowlada, waxa ay miiska soo saartay qodobadaan.
  2. =In maamul 6 bilood ah loo sameeyo Kismaayo lana abuuro jawi is fahan oo looga gudbo maamulkii kale ee munaasab noqda xiligaasi.
  3. =In maamulka garoonka iyo dekeda Kismaayo uu si toos ah u hoos tago doowlada, hase yeeshee ahmiyada koowaad lasiiyo horumarinta deegaanka.
  4. =In lamideeyo guud ahaan Taliska Ciidanka, lana xureeyo goobaha ay Al-shabaab wali gacanta ku hayaan, ee gobolada Jubooyinka.

Balse dhanka maamulka Kismaayo waxaa ahmiyada koowaad u leh qodobka la xiriira hanaanka Federaaliisimka, iyo dhismaha maamul goboleedka jubaland, waxaana ay doonayaan maadaama ergo kabadan 500 uu shir halkaasi uga furmay in taas lala xoojiyo, madaxda doowladana ay shirkaas si rasmi ah u ayidaan, maamul goboleedna ay samaystaan.

Islafahamka iyo hanaanka federaalka, ayaa noqday qodobka ugu adage e dhowr jeer lagu sigtay in shirarka uu ragaadiyo, ilaa hadana majirto wax laysku waafaqsanyahay oo kasoo baxay shirkalabada dhinac, doodase waa mid socota wali.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C.kariin Xuseen Guuleed, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Kismaayo, ayaa inkastoo fasiraadooda carabka ku ballaarin, ayaa soo hadal qaaday waxyaabaha laga wada hadlayo, waxaana uu sheegay in ay kulamo joogto ah la leeyihiin masuuliyiinta deegaanka, islamarkaasna labada dhinac ay samaysteen gudiyo madax banaan.

C/kariin Xuseen Guuleed, waxa uu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen qodobo ay kamid yihiin, arintaa maamul usamaynta jubooyinka, amaanka, ciidanka, dekeda iyo Eelaboorka, waxaana uux aqiijiyay in qodobadaan dhamaantood ay isku fahmeen meel aad u fiicana marayaan.

Dhanka kala, C/naasir Seeraar, oo ah afhayeenka maamulka Kismaayo, oo isagana hadlay ayaa beeniyay ineey jiraan wax isfaham waa ah, waxaana uu intaas ku daray ineey socdaan wadahadalada.

“Waxaan umada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa, una sheegayaa wadahadalada wali waa socdaa, waxaana la sameeyay gudiyo oo labada dhinac kakooban, wixii wadahadalkas kasoo baxana dib ayaan kasoo shegi doonaa” ayuu yiri C/naasir seeraar.

Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubooyinka, waa magaalooyin istiraatiiji ah, lehna ilo dhaqaale, taasana keentay in dhinac walbo uu doono in looga danbeeyo maamulideeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here