Wadahadal Dhexmaraya Ururka Al Shabaab & Dawlada Somaliya

Cali-Ameeriko-3-300x200Wargeyska The East Africa ee kazoo baxa magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobo ayaa lagu daabacay in xukuumada Somalia ay bilowday wada hadalo aan toos aheyn ay la furto waxa ay ugu yeertay qunyor socodka xubno katirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Maxamed Cali Nuur Ameerico safiirka Somalia ee dalka Kenya ayaa u sheegay Jariidada in xukuumada waqti weliba ay diyaar garow ugu jirtay inay wada hadal la furto dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Ameerico ayaa yiri “waxaan furnay kanalo aan toos aheyn oo suurta galinaya wada hadalka xukuumada iyo Al-shabaab,waxana wada hadalada ay sii adkaan doonaan marka ay Xarakada Al-shabaab ay shaaciso inay jiraan wada hadalkaasi”.

Safiirka Somalia ee dalka Kenya ayaa sheegay sidoo kale in xukuumada Somalia ay dooneyso in Al-shabaab ay kamid noqoto xalka loo raadinayo Somalia marka laga soot ago dhibaatada dalka.

Wargeyska oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in wareysiga uu la yeeshay Americo uu ku tilmaamay in aysan suurta gal aheyn la hadalka dagalamayaasha Al-shabaab uu ku eedeyey inay dilayaan dad abriya ah.

Ugu dambeentii Ameerico ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada ay dooneyso dhalinyarada Al-shabaab ay siiso waxbarasho iyo mihnado kale oo taageraya daqliga dalka Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here