Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo maanta dib u furantay

Waxaa maanta duhurti dib u furmay wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye oo shalay ilaa saacadihi hore ee saakay u xirnaa ciidamada isku hor fadhiyo agagaarka Dusgiga Shabelle ee duleedka Muqdisho.

Boqolaal baabuur oo isugu jira kuwa BL-ka, gaadiidka waaweyn ee xamuulka, gawaarida yar yar ee gaarka loo leeyahay iyo qaar waday dad barkac ah ayaa isku taxay wadada.

Gaadiidkaasi ayaa u muuqday kuwo ka faa’ideysanayey furnaashiyada wadada si ay uga baxsadaan deegaanada loo barakacay oo xalay ay duqeeyeen ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay dadka ku nool deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho in ay gaarayaan 250 kun oo ruux.

Boqolaal qoys ayey u suura gashay in ay maanta dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho kuwaasi oo kasoo cararay deegaano ay ka mid yihiin, Tareedishe, Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer, iyo Carbiska.

Dagaaladi shalay ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa sababay in dadka ay ka baqaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada gaaraan deegaanada loo barakacay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.