Wadaad Muslim ah oo ku dhintay Gaari ay lahaayeen ciidamada Kenya oo la qarxiyay

LAMU-640x480Wargeyska The Star ayaa qoray in Shiikh Muslim ah uu ku geeriyooday qarax lala beegsaday Gaari uu kula safrayey Ciiddan Kenyan ah oo ka soo ambabaxay Deegaanka Raas Kambooni, kuna sii jeeday Deegaanka Kiunga ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Mohamed Shima ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday isla goobtii uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenya oo u muuqday inuu isaga lala damacsanaa Qaraxaas ayaa la sheegay inuu ka badbaaday, inkastoo uu ka dhaawacmay gacanta.

Gaariga la qarxiyey oo noociisu ahaa TGF waxaa lahayd Dowladda Kenya, iyadoo lagu soo daad gureeyey ciiddamo la geynayey Deegaankaasi

Hawlgal ay Ciiddanka Kenya ka sameeyeen goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Nin ku hubeysnaa qori noociisu ahaa AK 47, kaasi oo ay Ciiddanku kaxeysteen.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star oo soo xigtay ilo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa qoray in Ciiddamo Khaas ah oo ka kala socda Maraykanka iyo Britain kala shaqeynayaan Ciiddanka Kenya Hawlgal ballaaran oo ka dhan ah Dagaalaayaasha Xarakadda Alshabaab ee ka hawlgala Deegaanadda ku dhow Xuduudka Kenya iyo Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here