Wadaad caan ah oo lagu dilay Mombasa

Sida ay lee yihiin warbaahinta Kenya, waxaa magaalada ku taalla xeebta Mombasa shaley lagu dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay in uu xiriri la lee yahay xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay booliska Kenya oo lagu magacabo Thomas Sangut oo shir jaraa’id ku qabtay Mombasa ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay toogteen Khaalid Axmed oo ahaa xagjir wayn, isla markaana ku dhiirri-gelinta dhallinyarada in ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa sheegay Khaalid Axmed in uu ku dhintay is-rasaaseyn ku dhex martay booliska iyo rag hubeysan guriga uu ka deggenaa magaalada magaalada Mombasa.

Mr. Thomas ayaa intaas raaciyay in howlgalka ay ku dhaawacmeen labo askari oo boolis ah, laguna qabtay bam gacmeed, laba khasnadaha qoriga iyo 68 xabbo oo ah oo rasaas ah.

Khaalid Axmed waa Soomaali heystay baasaboor Kenyan ah, wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Aboud Rogo oo isna ahaa wadaad Muslim ah oo dowladaha Kenya iyo Mareykanka ay ku eedeeyeen in uu taageeri jiray kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka al-Qaacida sida ay sheegayaan saraakiisha booliska Kenya.

Abdou Rogo ayaa bishii September ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, xaaladda magaalada Mombasa ayaa hadda deggan, waxaana laga cabsi qabaa in dilka wadaadkan ay ka dhiliso magaalada xaalad jahwareer.

Ciiidamo xooggan ayaa hadda loo diray magaalada Mombasa si looga hartago in rabshado ay ka dhacaan halkaas maadama ay magaalada ay ku badan yihiin muslimiinta Kenyaatiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here