Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano hor leh

tahriibka_jowhar_10Wabiga Shabelle, ayaa lagu soo waramayaa inuu Xalay ku fatahay Deegaano hor leh, gaar ahaan dhinaca Galbeed ee magaalada Jowhar.

Wabiga ayaa ka fatahay dhinaca Galbeed ee Magaalada, Waxayna qarka u saaran tahay in biyaha wabiga ka soo burqaday ay aadaan dhanka Hiiraan iyo Shabellaha Hoose.

Ilaa lix Tuulo oo ku yaal galbeedka Jowhar ayaa laga barakacay durba fatahaada uu sameeyay wabiga.

Waxaa xusid mudan in Kumanaan qoysas ah oo ku noolaa magaalada duleedka magaalada Jowhar, ay isaga bara baxeen fatahaada Wabiga & Colaado beeleedyo halkaas kajira.

Shacabka Shabeelada Dhexe, ayaa haatan waxaa soo food saartay Nolol Bini’aadanimo oo aad uxun, waxaana ilaa iyo hada jirin wax Gurmad ah oo ay u sameeysay DFS iyo Hay’adaha Gar gaarka.

Qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, ayaa ilaa iyo hada Gar gaar yar gaarsiiyay dadka ay saameyeen Fatahaada Wabiga iyo Dagaalo Beeleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here