Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Degmada Afgooye

wabigaWabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana la soo sheegayaa in dad gaaraya ilaa 3,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, waxaana dadkan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah,

Guddoomiyaha Gobalka Shabellaha Hoose, Cabduqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii, oo la hadlay VOA-da ayaa sheegaya in uu geestay khasaarro xooggan Wabiga Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in wabiga uu qarka jabsaday, iyadoona uu baabiyay dalag beereeydo aad u fara badan iyo xoolo nool.

“Wabiga xaafado badan oo ku yaalla Afgooye ayuu ku fatahay, wuxuuna baabiyay guryo badan iyo xoolo sida ido iyo ari carbeed oo uu dilay, waxaana ka cabsi qabnaa in khasaaraha intan uu ka bato” ayuu yiri guddoomiye Siidii.

Siidii ayaa tilmaamay haddii aan gargaar degdeg ah lala soo gaarin dadka barakacay in halis ugu jiraan in ay geeriyoodaan.

Guddoomiyaha ayaa waxaa kaloo uu dowladda iyo hey’addaha gargaarka uu ka codsaday in ay gargaar soo gaarsiiyaan dadka uu barakiciyay wabiga Shabeelle oo fatahay.

Mar uu ka hadlaayay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose, xaafadaha uu ku fatahay wabiga, wuxuu sheegay in ay ka mid yihiin:- Caanoole, Raqayle, Baal-gurri iyo kuwa kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here