Waayaha Cusub oo Xalay bandhig-faneed Gabo-gabo ah kusoo bandhigtay Muqdisho

Kooxda waayaha Cusub, ayaa xalay Hotelka City Place, ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay, bandhig-faneed ay ugu magac dareen “Somali Sunrise”.

Kooxdan waayaha Cusub, oo mudo ku dhow halbil kahor soo gaartay magaalada Muqdisho, waliba iyagoo ay la socdaan in kabadan 15 fanaan oo ajnabi ah, kana kala socda ilaa 6 wadan, isuguna jira Carab, Afrikaan iyo reer Galbeed, ayaa intii ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen soo bandhigay, bandhig-faneed ay ugu magac dareen “Somali Sunrise” ama “Qorax usoo baxa Soomaaliya”.

Kooxda Waayaha Cusub, ayaa bandhig Faneedyo kala duwan ku qabtay, Hoteelo iyo xaruumaha degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Laakiin bandhig-faneedkii xalay aya ahaa kii ugu weynaa uguna danbeeyay barnaamijka “Somali Sunrise”, waxaana lagu qabtay Hotelka City Place, ee magaalada Muqdisho.

Qaybtii hore ee bandhigaasi, ayaa heeso ay dadkii kasoo qayb galay micnahooda fahmin balse ay Music la ruxmayeen  soo bandhigay, kooxda loo yaqaan “Afra Simba” ee ka socotay dalka Kenya.

Qaybtii ugu weyneyd bandhigii xalay, waxaa lahaa kooxda Waayaha Cusub, oo xalays oo bandhigay heeso isugu jira kuwa ay caanka ku yihiin ee Raabka, heesaha hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano dhaantada, iyo heesaha kale ee dabacsan.

Gudoomiyaha kooxda Waayaha Cusub, Shiino Aqyaar, oo sharaxaya muhiimada uu laha bandhig-faneedyadii ay qabteen, iyo natiijada ay ka gaareen, ayaa sheegay in markaan ay ahayd markii ugu horeeysay , balse aysan noqon doonin markii ugu danbeysay ee ay Muqdisho ka sahqeeyaan.

“Waxaan ka qayb qaadaneeyna horumarinta dhalinyarada, deegaanka iyo waliba soo celinta bilicda iyo heerkii Caasimada Muqdisho, waxaana nagu ballan ah inaan dhowrkii biloodba Xamar aanu imaano, oo barnaamijyo aanu ka sameyno, waxaana isku dayi doonaa in fanaan waliba oo aduunka ku nool aan dalka Keeno” ayuu yiri Shiino Aqyaar, oo ah gudoomiyaha kooxda Waayaha Cusub.

Agaaismihii hore ee hay’ada Nabad Sugida Qaranka, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Xafladii xalay ka sheegay in isaga gaar ahaan uu waajib iska saaray sugida amaanka kooxda Waayaha Cusub, wixii ay kooxdaan qabteen ee laga faa’iidayna ay ahayd waxa ay ku farxaan dadka jecel nabada Caasimada, islamarkaasna ay ka qoomameeyaan dadka ay dhibeyso daganaashaha Muqdisho, sida kooda Al-shabaab.

“Waayaha Cusub, waa ila soo xiriireen iyagoo walwalsan, waxaana u ballan qaaday iyagoo Banbo iyo miino ku qarxin, ineey si nabad galyo ah ku yimaadaan kuna baxaan” sidaa waxaa yiri Ex Agaasimihii hay’ada Nabad sugida Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sidoo kale sheegay in Waayaha Cusub intii Ay Muqdisho joogeen, ay kamid noqdeen dajinta maskaxda dhalinyaradii kasoo goosatay Al-shabaab.

“Dhalinyaro 800 ka badan, oo kasoo goostay Al-shabaab iyagaa la yaabay Cawada sideey u niikanayeen, war waxay dhaheen nimanku soo wadaado maaheyn, marka nimanka noocaas ah xitaa waxay qalbiyadooda galiyeen Farax”, ayuu yiri Agaasimihii hore ee hay’ada Nabad sugida.

Dadkii kasoo qayb galay bandhig-faneedkii Xalay, ayaa u badnaa dhalinyaro isugu jirta hablo iyo wiilal, kuwaasoo si weyn usoo labistay, waxayna u muuqdeen kuwo aad ugu faraxsan ineey kasoo qayb galaan bandhig-faneedka kooxda Waayaha Cusub “Somali Sunrise”.

Ugu danbeyntii ayaa Xafladii xalay waxaa lagu soo gaba-gabeeyay, Heesta astaanta qaranka, oo dadka inta badan galisay qiiro weyn, qadarinta Calanka loo haayo awgeed ayayna dadkii joogay dhamaantood u istaageen, waxayna Gacmahooda wada saareen Wadnaha .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here