Waan ka xoog badanahay sidii hore: Dzeko oo u digay Bayern

Aston Villa v Manchester City - Premier LeagueLaacibka weerarka ugu ciyaara Man City Edin Dzeko, ayaa u digay naadiga Bayern Munich kahor kulanka Cawada ee ay ku yeelan doonaan Garoonka Etihad Stadium.

City, ayaa doneysa ineey markeedii ugu horeysay tiigsato wareega 2aad ee  Champions League, kadib markii ay 2dii sano ee lasoo dhaafay ku hareysay wareega 1aad.

Bayern, ayaa sanadkii lasoo dhaafay Man City ku garaacday wareega 1aad e Champion League, waxaana xusid mudneyd in Carlos Teves oo markaas u ciyaarayay Man City uu diiday inuu badal kusoo galo Ciyaarta.

City, ayaa ciyaarteedii 1aad si raxo leh 3-0 kaga adkaatay naadiga Viktoria Plzen, kulan ka tirsanaa  Champions League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City David Silva ayaa diyaar u ah kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich.

Xiddiga reer Spain ayaa dhaawac uu soo gaaray intii xulkiisa isku diyaarinayay kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka bishii hore.

Silva oo 27 sanno jir ah ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka ay la leeyihiin kooxda difaacaneysa Champions League.

Sergio Aguero oo isna dhaawac yar oo soo gaaray darteed loo nasasiiyay kulankii Aston Villa ee sabtdii ayaa isna ku soo laabtay tababarka kooxda.

Mario Gotze, oo xagaagii Bayern Munich uga soo biiray Dortmund ayaa dhaawac canqowga ah la maqnaa tan iyo kulankii Uefa Super Cup ee ay bsihii August ka badiyeen Chelsea, laakiin waxa uu ahaa bedel aan isticmaalin kulankii sabtida ee ay 1-0 kga badiyeen Wolfsbrug, sidaasi darteed waa uu ciyaari karaa kulanka Manchester City.

Waxaa Qoray: Bashiir Addow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here