Waa waajibkeyga in aan hoggaamiyo Milan – Balotelli

Waa waajibkeyga in aan hoggaamiyo Milan - Balotelli
Waa waajibkeyga in aan hoggaamiyo Milan – Balotelli

Mario Balotelli ayaa sheegay in ay waajibkiisa tahay in uu hoggaamiyo AC Milan kaddib markii uu dhaliyay goolka guusha ay ku raacday kooxda kooxdiisa kulan ka tirsan horiyaalka Serie A oo ay la yeesheen Bologna.

Cayaaryahanka reer Talyaani ayaa goolka ka dhaliyay meel 35-Yaardi u jirra shabaqa goolka, taasoo ka dhigtay taageerayaasha joogay San Siro ay ku tilmaamay mid mucjiso ah.

Goolka Balotelli ayaa dhashay daqiiqadii 86-aad ee qaybtii labaad ee cayaarta, kaas oo kaliye ayey ku adkaatay kooxda Milan oo sannadkan ku jirta heerka hardanka.

“Waxaan fiiriyay leenka uu ku jiray goolhayaha, taas keentay in si xoog leh aan u tuuro kubadda,waxa uu ahaa gool fiican, taasoo tababbarraha ka dhigay mid ku kalsoon” Balotelli ayuu u sheegay Sky Sport Italia.

Milan ayaa u safreysa dalka Spain halkaasoo ay kula soo cayaari doonto kooxda Atletico Madrid maalinta Arbacadawareega 16-ka ee tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here