Waa sidee xaalada Nololeed ee magaalada Baydhabo kadib bixitaankii Al-shabaab(Warbixin)

Horaantii todobaadkan, baarlaman cusub ayaa laga hirgeliyay Somalia, kaasoo fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho. magaalada kale ee Baydhaba ee ku taala dhinaca koonfurgalbeed Somalia, oo ah magaalo bishii February ee sanadkan laga xureeyay kooxda Al-shabab,Ciidamada Ethiopia ayaa ku wareejinaya maamulka magaaladaas ciidmada midowga Africa iyo kuwa dowladda Somalia.

Magaalada Baydhaba dadka degaanka waxay ka abaal celinayaan amaanka magaalada oo la hagaajiyay, laakiin waxey dhinaca kale isweydiinayaan, sababta keentay in gargaarkii dadka magaaladu ay u baahanaayeen in uu gaabis noqdo.

Sangaabo Shiikh waa hooyo dhashay 10 caruur ah 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay waxay iibineeysay qaadka oo ah geed maanka dooriya,isla markaasna aad looga jecelyahay wadanka Soomaaliya,laakiin magaalada Baydhabo markaad eegto ganacsiga qaadka maalmahan waa mid gaabis kusocdo.

Kahor bishii February,ee sanadkan Baydhabo waxay kujirtay gacanta kooxda Al-shabaab,kooxdu waxay dhulka ku dartay ganacsigii qaadka.

Tan iyo markii ay ciidamada itoobiya oo garab siinaya cutubyo kamid ah ciidamada doowlada KMG ay qabsadeen magaalada Baydhabo bishii February Sangaabo shiikh waxay markale awood uyeelatay ineey qaadka ku iibiso jidadka,laakiin wax faa’iido ah oo sidaa u buuran kama hesho.

Dadka dagan magaalada Baydhaba,ayaa isla markii Al-shabaab laga saaray rajeynayay in Gargaar lala gaaro gaar ahaan dhinaca doowlada federaalka ee uu fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho,maxaa yeelay magaalada waxay go’doon kujirtay mudo 3 sanadood ah.

Al-shabaab waxay horjoogsatay gargaarkii magaaladaas tagi jiray sadexdaas sano xitaa waxay talaalkii dabeysha ee ay magaaladaas geyn jirtay hay’ada caafimaadka aduunka ee marka magaceeda loosoo gaabiyo loo yaqaan (WHO).

C/fitaax Maxamuud Ibraahim oo loo yaqaano (C/fitaax Geeseey) waa gudoomiyaha Gobolka Baay oo ay magaalada Baydhaba Xaruun utahay,waxa uu kahadlay sida uu uga niyad jabsanyahay Kaalinta doowlada KMG ah ee uu waqtigeeda dhamaaday ay ku lahayd magaalada Baydhaba.

“February,Marso,Abril,May,june,July ilaa iyo Bishan Augusto ayaan joognaa magaalada Baydhaba ilaa iyo mudadaasna wax caawimaad ah kama hayno doowlada KMG,waxaadna moodaa in madaxda dowlada ee xilkoodu dhamaaday aysanbo baydhabo ugu jirin gobolada dalka,waxayna naga soo qaadeen dal aan jaar nahay oo kale,tusaale ahaan Afgooye markeey doowlada Iyo Amisom ay qabsadeen waxay horay ka geeyeen gargaar degdeg ah,Balcad saas oo kale, Baladweyne saas oo kale iyo Gobolada dhexaba,laakiin doowlada dhexe ee Soomaaliya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo waqtigoodu dhamaaday Baydhaba Soomaaliya uguma mid ahayn” ayuu C/fitaax geeseey yiri.

In gargaar kayimaada magaalada Muqdisho lageeyo Baydhabo waa arin hada aad u adag,240km dhul dhirirkiisu dhanyahay ayaa labada magaalo udhaxeeya,iyadoo Al-shabaabna ay wali gacanta kuhayaan magaalooyin badan oo udhaxeeyo labada magaalo taas ayaana suurta gal kadhigi karin in gargaar lagaarsiiyo magaalada Baydhaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here