Waa sidee Xaalada Nololeed darbi jiifta Muqdisho oo layska hilmaamay? {Sawiro}

Xaalada Nololeed ee darbi jiifta Muqdisho, ayaa ah mid layska hilmaamay oo aysan jirin cid ka warqabta, mid kamid ah Wariyayaasha Midnimo.com ayaa shalay waxa uu booqday goob ay ku suganaayeen dhaliyaro ubadan kuwa da’doodu ka hoseeyso 15-jir islamarkaasna darbi jiif ah.

Dhalinyaradan darbi jiifka ah ayaa badankooda marka aad wareeysato waxay kuu sheegayaan in Hooyadii ama Aabihii dhalay uu geeriyooday, Noloshooda marka aad u kuur gasho waa mid aad udag, waxaa hooy u ah meelaha lagu qubo Qashinka sida aad muuqaalada Sawirada ka arkeeysaan.

Marka aad mid mid u wareeysato oo aad weeydiiso waxa kuq asbay ineey darjiif noqdaan oo ay Koolada dhuuqaan, waxay kuu sheegayaan ineey isku hilmaamsiiyaan nolosha adag maadaama aysan haysan hooy iyo waxay Cunaan.

Khadar Maxamed, waa mid kamid ah dhalinyaradaan darbi jiifka ah, waxa uu Midnimo.com usheegay in labadiisa waalid ay ku dhinteen dagaaladii muqdisho ka dhacayay Sanad kahor, waxa uu noo sheegay in Koolo dhuuqida uu kusoo biiray 6 bilood kahor.

Khadar, hada waxa hooy u ah meel lagu soo qubo Qashinka, sidoo kale waxa uu noo sheegay inuu Cunto ka dhigto raashinka ay maqaayadaha isaga soo daadiyaan Qashin-qubka, maalmo kahor waxaa khaddar ku dhacay Shuban-biyood, majirin qof gaysay Isbitaal ama daaweeysay.

Dhalinyaradaan ayaa waxay leeyihiin Maamul iyo kala danbeyn, waxaana ay leeyihiin gudoomiye ay ka amar qaataan, islamarkaasna ay ka danbeeyaan.

Aaway doorkii doowlada iyo Hay’adaha?

Inkastoo dalka Soomaaliya aysan kajirin wax doowlad ah mudo kabadan 20 Sano, hadana waxaa jiray Hay’ado iyo NGO mashaariic kala duwan dalka ka waday, ilaa iyo hadda oo uu dalka yeeshay doowlad Rasmi ah majirto wasaarad ama hay’ad isku xilqaantay ineey wax u qabtaan dhalinyarada ku rafaadsan darbiyada ee Koolo cabidda maciin biday.

Inkastoo ay yihiin darbi jiif, hadana waa qayb muhiim ah oo kamid ah bulshada, waxayna Xaq u leeyihiin ineey helaan hooy iyo waxbarasho wanaagsan.

Ugu danbeeyntii dhalinyaradaan, ayaa doowlada Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo inta awoodaba waxay ka codsadeen ineey wax ka badalaan noloshooda, islamarkaasna lasiiyo waxbarasho iyo hooy ay ku noolaadaan.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here