Waa sidee xaalada Laanta Buuro kadib qabsashadi AMISOM

Waxaa saakay xasiloon deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib marki ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa shalay aroorti hore weerar ku ekeeyey deegaankaasi oo ay Al Shabaab u adeegsan jireen tababarada isla markaana ay uga soo duuli jireen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.

Sarkaal ka tirsan Amisom ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al Shabaab, halka Shabaab iyaguna guulo ka sheegteen dagaalkaasi.

Dadka ku nool Laanta Buuro ayaa sheegay in xaaladu ay dagantahay isla markaana ciidamada AMISOM ay bilaabeen in ay sameysteen difaacyo xoogan qaarna ay dhaq dhaqaaq bilaabeen.

Deegaanka Laanta Buuro ayaa u jiro caasimada Soomaaliya ee Muqdisho 40-km dhanka koonfureed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here