Waa sidee Xaalada degmada Warsheekh?

1779789_730079070346050_2136276667_nCiidamada Doowlada Soomaaliya iyo kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa shalay si nabad gelyo ah ku galay degmada Warsheekh oo kamid ah degmooyinka Gobolka Shabeelada Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyaadkii Ururka Al-shabaab.

Xaalada Magaalada ayaa lagu soo waramayaa ineey dagantahay, ciidamadana ay fariisin ka samaysteen dhowr jiho.

Gudoomiyaha degmada Axmed Cali Xasan, oo wareysi saakay siinayay Idaacada VOA, ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalka iyo xaalada degmada Warsheekh.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in dad weynaha ay si aad ah usoo dhaweeyeen Ciidamada, islamarkaasna ay aad ugu faraxsanaayeen in laga kor qaado kooxda nabad diidka ah ee shabaab.

Ciidamada Doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa maalmahaan si is daba joog ah magaalooyin fara badan kala wareegay kooxda shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here