Waa sidee saakay xaalada magaalada Kismaayo

Waxaa wali xaalad kala taag ah ku jirto magaalada Kismaayo oo ay ka baxeen Al Shabab walina aysan soo galin ciidamada isbaheysanaya ee AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya.

Barakac balaaran ayaa ka jiray magaalada tan iyo Talaadadi, waxaana dadka intiisa badan ay u baxayaan dhanka Kenya, qaar waxay u carareen Jilib iyo Jamaame qaarna waxay soo aadeen caasimada Muqdisho.

Inkastoo la sheegayo in ay Al Shabab ka baxeen magaalada Kismaayo hadana waxaa arintaasi beeniyey afhayeenka Al Shabab sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegay in aysan ka bixi doonin ilaa ay ka dagaalamaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya oo lagu magacaabo Col. Adan Xirsi ayaa sheegay in ciidankiisu ku hareereysanyihiin magaalada dhawaana ay gudaha u gali doonaan.

“Walaaloow ciidamada waxay hareereeyeen Kismaayo kuwi joogayna way carareen oo ay duurka ay galeen, magaalada waxaan ku dadaaleynaa in dagaal uusan ka dhicin, dadka waxaan leenahay ha is dajiyeen,” ayuu yiri.

Hadii ay ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay gacanta u gasho Kismaayo waxa taasi ay ka dhigantahay in Al Shabab laga qabsaday magaaladi weyn ee sadexda maagalo ay hada ka joogaan dalka oo kala ah Kismaayo, Baraawe iyo Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here