Waa side Xaalada Wariye Timacade oo shalay Muqdisho lagu dhaawacay?

DSC01559Kadib laba Qaliin oo shalay lagu sameeyay, ayaa waxaa soo hagaagaya Xaalada Caafimaad Wariye Timacade oo shalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Aabaha dhalay wariyaha Maxamuud Tima Cadde oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in wiilkiisa xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana shalay siduu ahaa iyo hada aanu isku mid aheyn.

“Xaaladiisa aad ayay u wanaagsan tahay, dadka u imaanaya wuu aqoonsanaya, kaliya qoorta ayaa u daran oo meeshaas ayaa xabad laga soo saaray, inta kale waa uu wanaagsan yahay”ayuu yiri.

Qaar badan oo kamid ah Saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayaa shalay markii la dhaawacy Wariyaha ku booqday Isbitaalka Madiina, iyagoona u sameeyay Gurmad aan look ala harin islamarkaasna u shubay dhiigooda.

Dhanka kale Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka danbeeyeen dhaawaca shalay Muqdisho loogu geystay Wariye Maxamed Maxamuud Timacadde kooxo qas-wadayaal ah oo kasoo horjeeda amniga iyo horumarka caasimadda Muqdisho ka hana qaaday mudooyinka danbe.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ka hadlayey dhaawaca loo geystay wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde ayaa sheegay iney dhaawiciisa ka masuul yihiin kooxo uu ku tilmaamay iney kasoo horjeedaan amniga caasimadda Muqdisho isla markaane doonaya iney caburiyaan Saxaafadda Soomaaliyeed.

Ridwaan Xaaji ayaa sheegay kooxahaas damacoodu uu yahay sidii ay bulshada ugu muujin lahaayeen in Muqdisho aysan ahayn goob amni ah,wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed ineysan ka niyad jabin weerarada nuucaas ah balse looga baahan yahay iney ka qaadaan dhiirigalin iyo dardar hore leh si dalka looga saaro dhibaatada.

1 COMMENT

  1. Walaalkay qaaliga ah Allah waxaan kaaga baryaa caafimaad degdeg ah insha alah, dadkii siidaan kuu galayna allah ayaa ujeedo kana abaal marinaayo camalkooda foosha xun aduun iyo aakhiraba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here