Waa side xaalada Garissa?

Magaalada Garissa, xaruunta gobolka waqooyi bari dalka Kenya oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay hareeyeen rabshado iyo qalalaaso udhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Milatariga ayaa waxaa lagu soo waramnayaa in halkaas ay wali kataagantahay xaalad kacsanaan ah.

Gaadiidka, ganacsiga, iyo dhaqdhaqaaqa dadka ayaa wali xaniban, waxaana magaalada buuxdhaafiyay ciidamo katirsan kuwa milatariga kuwaasoo si aad ah u xaqiijinaya amaanka.

Wadooyinka waaween ee magaalada Garissa ayaa lagu arkayaa gaadiid ay wataan milatariga Kenya kuwaasoo howlgalo iyo roondooyin kasamaynaya gudaha magaalada, waxaana halkaas kajirta cabsi maadaama dadka qaarkod ay isugu soo baxeen goobo ay ciidamada Kenya ka gaysteen tacadiyo farabadan intii ay socdeen rabshadaha.

Gudiga amniga magaaladaas oo kahor inta wasiirka gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminayo gaarin magaalada Garissa warbaahinta lahadlay ayaa dhibaatooyinka iyo amni darida kajirta Garissa ku eedeeyay dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga doowlada Kenya Yuusuf Xaaji iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garissa ayaa waxay sheegeen ineey si aad ah uga xunyihiin tacadiyada iyo dhibaatada dadka deegaanka ay u gaysteen askarta milatariga.

Wasiirka Gaashaandhiga oo indhihiisa ku arkay xaruumo ay ciidanka Kenya dab qabadsiiyeen iyo dad danyar ah oo la dhibaateeyay inta rabshadaha ay socdeen ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay xasuuqa iyo dhibaatada loo gaystay dadka aan waxbo galabsan, wasiirka gaashaandhiga ayaa ku cel celiyay in talaabo laga qaadi doono askartii gaysatay dhibaatada.

“Waxaan soo arkay dad dhaawac ah oo isbitaalka jiifa, qof dhimatayna waa la’ii sheegay dukaamo gubtayna indhahaygaan kusoo arkay, suuq mugdi oo lagubayna waan soo arkay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga Yuusuf Xaaji oo shalay mar boqday magaalada Garissa.

Inkastoo xaalada ay saakay dagantahay hadana dadka dagan Garissa ee Soomaalida waxay sheegayaan in markasta ay wadnaha farta ku hayaan iyagoona intaas ay ku dareen in saacad kasto lafilan karo dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidanka milatariga Kenya kuwaasoo dhibaato iyo isku dhacyo wali kawada xaafado katirsan magaalada Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here