Waa siddee xaalada Buuloburde?

Howgalo ka socda Buuloburte
Howgalo ka socda Buuloburte

In ka badan shan saac ayaa dagaal toos ah uu ka socday degmada Buuloburte ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo uu dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 2o qof oo ah dhinacyadii dagaalamay, sidoo kale tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira saraakiil dowladda Soomaaliya iyo AMISOM isugu jirta iyo ciidamada dowladda sidd ay soo sheegeen dadka ku sugan Buuloburte.

Guud ahaan isgaarsiinta magaalada ayaa la gooyay, waxaana magaalada ka socda howgalo balaaran oo lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Dhaawacyada ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho kadib markii diyaarad ay ka tagtay Muqdisho ay halkaas gaartay.

Ilaa hadda cid ka hadlay ma jirto weerarka iyo dagaalka tooska ah ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Buuloburte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here