Waa maxay sababta uu Axmed Madoobe u tegay Addis-Ababa?

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ujeedada Safarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay markii Is maandhaaf uu ka yimid ciidamaddii Barre Hiiraale oo la dajiyey gudaha magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu horey u soo jeediyay in ciidamadaas hubka laga dhigo, laakiin talaabadaas ayaan u noqon mid ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah siyaasiinta dawladda Soomaaliya ku jira.

Ciidamada Milateriga Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku haya ciidamadaas, waxaana dib loo galiyey tababaro, markii uu sidaas amray Madaxweynaha Jubbaland, taas oo ay horey udiideen in ay hubka dhigaan.

Waxaa la sheegay inta ay socdaan kulamadan in aysan ka marnaan doonin arimaha la xiriira doorashada sanadkan ka dhaceysa Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegaa in uu saameyn muuqata uu ku leeyahay arrimaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here