Waa maxay sababta Shabeelaha Dhexe looga reebay tartanka kubadda cagta ee Gobollada?

kulan-jowhar-3_FotorBulshada Isboortiga jecel ee Shabeelaha Dhexe, ayay la yaab iyo amakaak ku noqotay, in xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ay Shabeelaha Dhexe ka reebaan tartanka kubadda cagta Gobolada.

Bahda isbortiga gobolka sh/dhexe ayaa si cad waxa ay ugu soo horjeesteen qaabka ay xiriirka kubadda cagta Soomaliyed gobollada dalka ugu qeybiyeen tartan kubadda cagta ah oo loo qaban doono qaar gobollada dalka.

Qorshahan cusub ayaa waxaa laga reebay tartankan gobolka Sh/dhexe oo ah gobolka haysta koobkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha kubbada cagta ah ee gobolada dalka Soomaaliya.

kulan-jowhar-1

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen bahda isbortiga ee magaalada Jowhar ayaa waxaa kasoo qeyb galeen masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta ee degmada Jowhar iyo kuwa gobolka sh/dhexe iyo qaar ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan magaalada Jowhar.

Guddomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee degmada Jowhar Yuusuf Xaamud Jaras oo kualnka ka hadlay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin shaxda a soo saareen xiriirka kubadda cagta somaliyed islamarkaana ay ka dalbanayan xirirka in ay dib u firiyaan hannaanka ay gobollada u kala xuleen maadama gobolka Shabelaha dhexe uu yahay gobol nabad ah oo si aad ah horumar muuqda ugu gaaray dhinaca isboortiga.

kulan-jowhar-2

“Waa arrin aan la aqbali karin in gobolka Sh/dhexe laga reebo tartan ciyaaraha kubbada cagta ah iyadoo gobolkana uu yahay gobol ugu cadcad dhinaca ciyaaraha ahaana gobolkii kaliya ee koox heerka koowaad ah ka dhisnaa mudadii ay dowladii hore ee Siyaad Barre jirtey,”ayuu yiri Jaras.

Cali hilowle oo ah Xoghayaha isboortiga ee gobolka sh/dhexe oo isna maanta kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tani ay tahay mid aan u qalmin gobolka sh/dhexe xiriirka K/cagta soomaliyeedna ay ku qaldameen arrintani maadaama gobolkani uu yahay mid in badan ka qeyb qaato tartanada isboortiga ee Soomaaliya kana soo hooyay marar badan natiijooyin la taaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here