Waa maxay sababta kadanbeysa Guul darooyinka is xigxigay ee ay Holland kala kulantay tartanka Euro 2012?

Xulka Holland ayaa isga haray tartanka Euro 2012 isagoo guul darooyin is xigxiga kala kulmay xulalkaDenmark,Germany, iyoPortugal, tartankan EURO 2012 ayaa waxa uu ahaa waqtigii ugu xumaa ee xulka Oranjaha

Hadabo asbaabaha ay xulkaHollanduga hareen tartankan iyagoo ahaa xulka loo saadaalinayay waa kuwo farabadan waxaana ugu horeeya

1-Qalad dhanka taatikada ah oo uu sameeyay tababare Van Marwijk bilawgii ciyaaraha kadib markii uu kursiga keydka uga tagay labada ciyaaryahan ee Klaas Jaan Huntlaar iyo Vander Vaart  isagoo kadoor biday Ibraahim Afalay oo kooxdiisa Barcelona keyd ka ahaa, sidookale tababare vader marwijk waxa uu ku qaldamay qaabka iyo ciyaartoyda uu udoortay ineey kaga ciyaaraan difaaca.

Van Marwijk
Van Marwijk

2-waxaa jirto dhibaato dhanka gudaha ciyaartoyda ah taasoo saameyn xun kuyeelatay hab ciyaareedka xulka Holland waxaana ugu muhiimsan iyadoo aan wali laxalinin garabka bidix ee daafaca ee uu horay uga ciyaari jiray van Brochest kaasoo ciyaaraha isaga fariistay, sidoo kale waxaa jira tartan udhaxeeya labada nadi ee kadhisan gudaha Holland waa PSV Eindhoven iyo Ajax Amesterdam

3-Tababare vander Marwijk waxaa ka luntay qaabka hogaamineed ee ciyaartoyda isagoo xakameyn waayay ciyaartoyda marka lajoogo xerada tababarka,iyadoo ciyaaryahanada Huntlaar kuyt iyo vander vaart mar ay wareeysi siiyeen warbaahinta ku sheegeen ineey aad uga soo horjeedaan qaabka uu wax uu maamulo tababaraha waxayna dalbadeen in labadalo vander marwijk

4-Goolhayaha oo aad u liitay taasoo keentay in laga dhaliyo goolal

Saami Addow