Waa maxay sababta aysan Ciidamada DF ula wareegi karin goobaha ay baneeyeen Itoobiyaanka

ciidamadaLabadii isbuuc ee la soo dhaafay , ciidamada Itoobiya waxay banneeyeen fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Tallaabadaasi waxay sababtay in deegaano cusub ay Alshabaab qabsadaan iyo in meelaha qaar amni xumo laga soo sheego.

Ka bixitaankaasi waxa uu saameeyay qaar ka mid ah maamul gobolaadeyada oo deegaano ay maamuli lahaayeen hadda gacantooda ka baxay.

Gobolka Bakool degmooyiin ka tirsan ayaa ka mid ah goobaha ay ka bexeen Itoobiyaanka.

Gudoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa caqabadaha dhanka amniga ee soo wajahay gobolka iyo saameynta kale ee guud uga warramay BBC-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here