Waa maxay sababta ay ciidamada Itoobiya uga baxeen Ceelbuur iyo Balad Xawo

Ciidamada Itoobiya ayaa Salaasadi iyo Isniinti lasoo dhaafay isaga baxay magaalooyinka Ceelbuur iyo Balad Xaawo ee gobolada Galguduud iyo Gado taasi oo suura gelisay in Al Shbaab qabsadaan Ceelbuur.

Ciidamadi Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Buula Xaawo waxay gaareen degmada Dooloow oo ah saldhiga ciidanka Itoobiya ee kusoo laab laabta gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Laakin ciidanki kasoo baxay dhanka Ceelbuur iyo Wabxo waxay isu kala qeybiyeen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya, ayaa sheegay in sababaha ay usoo baxeen ciidanka Itoobiya ay tahay amar kasoo baxay dowlada KMG oo ah buu yiri in mar kale ay ciidanka dowlada ku laabtaan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada KMG ay dooneyso in Ahlu Sunna Waljamaaca ay kusoo kobanto meelo yar oo gobolka Galguduud ah si amarka dowlada uu uga socdo gobolka intiisa kale.

Saraakiisha dowlada ayaa haatan wada qorshe marka hore lagu qabanayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadibna lagu xejinayo deegaanada ka dhiman Galguduud.

Ciidanki Itoobiyaanka ee ku sugan Galguduud ayuu haatan qorshahu yahay in ay si toos ah usoo wajahaan magaalada Buula Barde ilaa magaalada Jowhar sida ay sheegayaan saraakiisha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.