Waa maxay qorshaha uu Mareeykanka ka damacsanyahay soo nooleynta Hiiraale?

barreWarar maalmihii u dambeeyay soo baxayay, ayaa sheegaya in Mareeykanka uu wado qorsho uu dib ugu soo nooleeynayo Hogaamiye kooxeedkii Soomaaliya Jen. Barre Hiiraale.

Saraakiil Mareeykan ah ayaa u yeeray Barre Hiiraale oo Muqdisho ka tagey, waxaana kullan qarsoodi ah ay kula yeesheen magaalada Mandhera ee waqooyi Bari Kenya.

Warar hoose ayaa sheegaya, in Mareeykanka uu doonayo inuu Hubeeyo Barre Hiiraale, oo ah hogaamiye kooxeed saameeyn xoogan ku leh Gedo iyo Jubooyinka, waxaana ujeedada Mareeykanka ay tahay, in Hiiraale uu ka qeyb qaato guluf xoogan oo dhawaan ka bilaaban doona Jubooyinka, kaasoo ka dhan ah kooxda al-shabaab.

Maamulka Jubbaland iyo DF, ayaa cabsi xoogan ka qaba tallaabada uu Mareeykanka dib ugu hubeeynayo Hogaamiyed kooxeedka Hiiraale, taasoo xaaladda dib ugu celin karta Khilaaf siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here