Waa maxay faa’iidada ugu jirto Soomaaliya ku biirista Ururka Iskaashiga Bariga Africa ?

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa shalay dalbatay in ay qeyb ka noqoto Ururka Ikaashiga Bariga Africa oo ay hada xubno ka yihiin shan dal oo dhaca bariga Africa.

Ururkaan ayaa ah urur xooga saaro iskaashiga xagada dhaqaalaha, waxaana hada uu ka koobanyahay dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameerico oo la hadlay Idaacada VOA ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay dowlada KMG Soomaaliya u codsatay in ay ururkaasi ugu biirto, isaga oo tilmaamay in hada ka hor ay codsadeen arrintaasi.

“Codisagn hada ka hor ayaan gudbinay haatana dowlada KMG Soomaaliya ayaa mar kale gudbisay, waxaa la filayaa in shirka bisha April ee ururka East African Cummunity ay kaga doodaan kuna aqbalaan xubinimadeena” ayuu yiri.

Hadaba waa maxaay faa’iidada ugu jirto Soomaaliya ku biirista ururkaan iqliimiga ah ama goboleedka ah, waa kan mar kale Cali Ameeriko oo inoo sharaxaya.

“Faaiidooyinka ayaa waxaa ka mid ah in fiisa la,aan ay Soomaalida ku galaan dalalka bariga Africa sidoo kale waxaa canshuuraha ka yaraan doono ganacsatada Soomaalida ee dalalka Bariga Africa,”  ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa shalay u qoray madaxweynaha Kenya oo xiligaan haya xilka ururkaan oo loo soo gaabiyo EAC in ay ku biiraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.