Waa lagu han weynyahay hoggaanka cusub. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

Runtii dad-weynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba natiijadii ka soo baxday doorashadii shalay aad bay u soo dhoweeyeen waxayna guud ahaan hambalyo aan kala har lahayn ay u jeediyeen una direen madax-weynaha cusub ee la soo doortay, Xasan SHiikh Max’ud, dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen muddo 22sano ah oo aysan arag wax talo ah oo ay ku leeyihiin aayaha dalkooda, waxaana intaas wax u soo dooranayay Gole SHacbi oo aysan iyaga keensan.

Sida laga war qabo doorashadii shalay dhacday waxba kama duwanayn kuwii in muddo ahba ay inoo geliyeen xil-dhibaano kooban oo aan la aqoon dad iyo deegaan ay wakiil ka yihiin, waxaana dantu qasab ka dhigtay si ay nabad ugu noolaadaan, shacabka inaysan ka hadlin wax kasta oo nimanka siyaasadda Soomaaliya hor boodiya ay soo jeediyaan ama go’aan kasta oo ay ku heshiiyaan, waxaana la oran karaa shacabka kaalintoodii ay talada ku lahaayeen waxay ku bedesheen inay nabad gelyo helaan.

Waxaad moodaysay siday doorashadii shalay ee madax-weynaha cusub u soo dhoweeyeen inay u muuqatay rajo ka weyn wixii horay u soo maray, waxay ka sinnaayeen in la bedelo maamulkii hore ee labada SHariif, waxay in badan oo ka mid ah dadkii aan la kulmay saadaalinayeen in wax weyn ay is bedeli doonaan, waayo waxay aaminasnaayeen in siyaasadda Soomaaliya haddii la helo mas’uul ay daacad ka tahay inuu u adeego ay nolosha dadka noqonayso mid caadi ah, waxayna ku faraxsanaayeen in waqti ku habboon oo dalkii ay boobayaan dowlado shisheeye ah uu Ilaahy ku soo beegay madax-weyne sida la qiyaasiyo wax diidi kara waxna yeeli kara.

Waxaa runtii iyadana arrin muhiim ah ahayd in madax-weynaha maamulka Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed uu si weyn u soo dhweeyay doorashadii madax-weynaha cusub isla markaasna uu muujiyay inay ahayd yididdilo ay ka muuqatay ififaalo wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed himmad fiican gelisay, hasa yeeshee sida uu madax-weynaha Puntland ay madax-weynaha la doortay hor taal hawl adag oo u baahan dhabar adayg iyo dul-qaad daacadnimo ku dheehantahay.

Xasan Shiikh Max’ud ayaa waxaa hor yaal hawl aan hubo inuu inoogaga xog-ogaalsanyahay culayskeeda inta uu la egyahay, taasoo u baahan qof u qada, wax ku waaya, u daala, waxaan qaban karin qaata, qabkiisa ilaawa, wuxuu qaybinayo ka qada, wuxuu qof kale haysto ka qanca, taladana dhibbanaheeda wax weydiiya una dad badsada oo aan afar isaga ku tala ah qol yar ku soo xiran.

Madax-weynaha cusub waxaan filayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed oo ka duwan kuwii ay la yimaadeen madaxiii isaga ka horaysay intii aan ku soo jirnay ku-meel gaarnimmada, waxaana aad muhiim u ah in siyaasaddiisa ay hoggaamiso aragti siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku badbaadiyo danaha qaranka iyo qaranimmada ummadda, waa hubaal oo dhaqankan 4.5ta ee loo sameeyay inaa is-qabqabsiga dhammaan ammaan ka heli mayo oo kama madax-banaanaan karayo laakiin waa inuu isku dayaa inaysan taas turunturo ku noqon talaabooyinka siyaasadeed ee wax ku oolka ah ee loo baahanyahay.

Waxaa in maank lagu hayo mudan in Qabqablayaashii dagaalka ee dalka heerka uu marayo gaarsiiyay aan lagala tashana danaha ummadda, in badan oo kuwaas ka mid ah waxay wali leeyihiin saamayn xagga beelaha ah iyo waliba xil-dhibaannada iyagoo ku soo gabbanaya magaca beenta ah ee ay ku yeesheen cabsi gelinta dadka, dhaca, dilka iyo burburintii qarankii Soomaaliyeed, waayo waxa lagu bartay ama dadka looga yaqaan waa intaas ee wanaag ama fiicnaan ay ummadda inteeda kale dheeryihiin ma aha.

Madax-weynaha cusub, xogta yare e aan ururiyay ama aan ka hayo waa shakhsi aad wax u soo qabtay xilliyadii ay baahdi ugu badnayd ee dalku burburka ku jiray, siiba dhinaca wax-barashada, sidaa daraadeed waxaan filayaa inuu yaha nin xil kas ah oo isaga horay isu xilqaamay keligii maanta oo xil loo dhiibtayna waxaan rajayniyaa inuu dareemayo inay arrintu intii ka culustahay, oo wax kasta oo dalka ka jiro mas’uuliyadooda lagula xisaabtamay waxna laga weydiiayo ka madax-weyne ahaan.

Waxaa in lays xasuusiyo mudan inaysan haboonayn in madax-weynaha cusub is moodsiiyo in talada dalka ay wali ku jirto gacanta Qabqablayaashii dagaalka iyo Odayaasha beelaha si looga gaashaanto in la marin habaabiyo majaraha siyaasadeed ee ay dowladdu ku taagantahay, waxaa iyadana in laga feejignaado ay tahay dhaqankii laga dhaxlay Qabqablayaasha dagaalka ee ahaa in wax kasta oo la samaynayo ama go’aanka kasta la qaadanayo qof lagu xumeeyo ama looga soo hor jeesto wax kasta oo aan iyaga taladooda ahayn.

In wax badan khaldami karaan waxaa cadayn u ah in guddoomiyihii barlamanka dhowaan la doortay ee waliba lagu hanka weynaa uu subaxnimaadii September 10,2012kii dhaariyay niman guddigii xulista xil-dhibaanada ay horay uga saareen xubnaha barlamanka, taasoo markii la eego xilliga uu ku soo beegay inay yimmaadaan lagu tilmaami karo khayaano la soo mareegay oo uu Jawaari wax ka ogaa, iyadoo waliba sidii loogu talo galay u fushay oo uu Jawaari ku guulaystay waqtiga ciriirigiisa iyo xaaladdii taagnayd ee doorashada isagoo ka faa’idaysanaya inuu varlamanka mariyo nimankaas si ay ugu codeeyaan dad ay isaga iyo iyaga isku ogaayeen.

Dowladda Federal-ka Soomaaliyeed ee uu maanta nasiibka u yeeshay inuu hor kacao madax-weyne Xasan Shiikh waxaa looga baahnyahay inaysan ka qarsoomin muhimadda ay leedahay inay soo dhoweyso oo xiriir aad wanaagsan la yeelato maamulada jira sida Puntland, Somaliland, Gal-mudug, iyo waliba gobolada kale ee ay gaari karto, waana muhiim ah oo madax-weynaha laga rabo inuu u garto mid isaga si shakhsi ah u saaran.

Wafdi uu hoggaaminayo madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole ayaa dhowaan lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan xafladda uu xilka xafiiska kula wareegayo madax-weynaha Jamhuuriyaadda Federal-ka ee Soomaaliya Xasan SHiikh Max’ud, waa wax caadi ah inay jiri doonaan waxyaabo aan laysku raacsanayn hasa yeeshee waxaa loo baahanyahay in la ilaaliyo korna loo qaado is fahamka siyaasadeed ee bilowga ah ee aan laguha ku taagnayn si loo badbaadiyo aayaha ummadda Soomaaliyeed iyo qaranimadooda.

Xil-dhibaanada cusub dhinacooda waxaa looga baahanyahay in ka digtoonaadaan in loo isticmaalo awooddoda wax khilaafsan waxyaabah iyo qawaaniinta lagu heshiiyay, inaysan xafiiska madaxtooyada u arag mid iyaga lid ku ah ama ay iska soo horjeedaan, inay fahmaan hawshooda inay tahay ilaalinta qaynuunka ummadda samaysatay, inay ogaadaan hour marka iyo in dib loo helo qaranimadii Soomaaliya inaysan suuroobayn in la gaaro hadaysan labada gole iyo madax-weynaha wada shaqayn ka dhexayn.

Xil-dhibaanada iyo golaha fulintaba waxaa looga baahnayaha inay ka shaqeeyaan isu soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed ee ay horay u kala dileen qabqablayaal dagaal iyo dad kale oo dano gaar ah leh, taasina waxay ku suuro geli karaysaa oo keliya iyadoo uu xafiis kasta garto hawshiisa iyo xilka xafiis ahaan laga rabo, isla markaasna la wanaajiyo wada shaqaynta labada gole, taasina ma aha arrin aan dhici karin ama aan la samayn karayn sida dadka qaarkii qabaan waxayse u baahatahay in mas’uul kasta uu isku dayo inuu ka fogaado wax kasta oo aan ujeedo Qaranimo lagu gaarayn isla markaasna horseedaya khilaaf iyo kala fogaansho ummadda dhexdeeda ah.

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here