Wax badan ka ogaaw 3 waxyaabood oo sabab u ahaa in Geelle Jaamac loo magacaabo wasiirka Boostada

1-15Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu cadeeyay xi ka qaadista Wasiirkaasi, waxaana xilkaan loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dalabka xilka looga qaaday wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim uu ahaa mid ka imaaday dhanka R/wasaaraha Haile Mariam Desalegn, Gen. Gebra iyo Axmed Madoobe, waxaana dalabkaasi Xasan Sheekh loo soo mariyay Xildhibaan Faarax C/qaadir oo Sida aan xogta ku helnay.

Qorshaha qarsan ee xilka qaadista iyo in Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta loo magacaabo Geelle Jaamac Mursal, ayaa ah in Dowlada Ethiopia ay ka qeybqaadato doorashada si mar kale uu Xasan Sheekh ugu soo laabto kursiga.

Sababta labaad ee soo degdejisay Xil ka qaadista iyo Magacabista wasiirkaan Cusub Geelle Jaamac Mursal, ayaa ah in Dowlada Ethiopia ay C/wali Gaas kala hadashay inuu ka laabto go’aanada adag ee uu kaga soo horjeeday DFS, islamarkaana qaato 4.5, taasi oo aheyd tan ugu weyn oo sabab u noqotay in Geelle Jaamac Mursal oo ahaa adeege u shaqeynaayay Gen. Gebra xilkaasi loo dhiibo.

Qorshaha Seddexaad ee Geelle Jaamac Mursal xilkaasi loogu magacaabay ayaa ahaa in Dowlada Ethiopia ay caqabadeynta dhanka Wabiga ka qaadeyso Somalia, si aan gabaabsi u noqon dalaga beeraha ee Saameynta ku yeeshay wax soo saarka Jowhar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here