Waa kuma saxiixa cusub ee City Bernardo Silva?

Peb Guardiola waqti saas u badan isagama lumin inuu sameeyo saxiix qaali ah, waxaana markaan uu lasoo wareegay No 10-kii Monaco xidiga reer Portugal Bernardo Silva.

City ayaa xidigaan aadka loo qiimeeyo kusoo iibsatay aduun dhan £43million, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha dib u dhiska Peb Guardiola.

Bernardo Silva ayaa City si rasmi ah ugu soo biiri doonaa July 1deeda, wuxuuna kamid ahaa xidigihii Monaco ka caawiyay ineey gaaraan Semi Finalka Champion League sidoo kale wuxuu gacan ween ku lahaa in Monaco sanadkaan mudo dheer kadib ku guuleeysato Horyaalka Faransiiska.

Bernardo oo hada 22 jir ah ayaa sidoo kale kamid ahaa xidigihii City ka reebay Champion League wareegii 16ka.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbindoonaa 5 waxyaabood oo ay tahay inaad ka ogaato Silva

1-Waxaa uu ku magic yahay David Silva, sidiisoo kalena wuu u ciyaaraa

Bernardo kaliya maahan inuu magic la wadaago xidiga reer Spain ee ay isku kooxda noqdeen, balse sidoo kale waa mid ku xamaasha lugta bidix sidiiso kale Kubadda u jiida una dhaliya. Xidiga reer Spain waxa uu 7 sanoo xiriir ah atoore ka ahaa Etihad Stadium, waana kan ay taageerayaasha City ugu jecelyihin ciyaartoyda.

Sidoo kale Bernardo Silva waxa uu David Silva la wadaagaa dhanka aragtida iyo baasida Kubado halis ah, balse waxa ay tahay su’aasha midkee ayuu Guardiola  xulan doonaa ka ciyaarida No 10?

2- Isagoo u ciyaaraya xulka 21jirada ka hooseeya ee Portugal ayuu kula guuleeysatay Koobka QaramadaYurub.

3-Sadex sano kahor waxa uu Bernardo ku guuleeysatay Abaalmarin caalami ah

4- Waxaa durbaba lagu iibsaday lacag waali ah

5-Wakiilkiisa waa ninka caanka ah ee wakiilka u ah C.ronaldo Jorge Mendes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here