Waa kuma ninka uu Madaxweynaha u magacaabay Taliyaha NISA?

Xasan shiikh
Ismaaciil Cismaan, ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa Sabtidii si rasmi ah Ismaaciil Cismaan ugu magacaabay Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida.

Taliye Ku Xigeenka, ayaa waxay ehel yihiin Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Cismaan oo ka yimid wadanka Mareykanka, ayaa Axadii dib ugu amba baxay Mareykanka, si uu si buuxdo ugu soo wareego Magaalada Muqdisho, ugana hawlgalo.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa bartamihii bishii June xilka ka xayuubiyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/raxmaan Maxamed Tuuryare, iyadoona uu si ku meel gaar ihi ugu magacaabay xilkaasi General C/laahi Gaafow Maxamuud, oo ah Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here