Waa Haweeney reer Falastiin oo uur ku qaaday habsi ay ugu tagtay ninkeeda

Sida ay qortay BBC-da, Haweeney reer Falastiin ayaa ilmo dhashay iyadoo uu xiran yahay ninkeeda oo dowladda Israel ay ku xukuntay 32-sanno oo xabsi ah.

Waxaa ninkeeda lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerrar ka dhacay magaalada Jerusalem sannadkii 1997 ,

Ilmahan yer wuxuu bishii August sannadkii hore ku dhashay magaalada Nablus gaar ahaan Isbitaalka Al-Arabia, Waa wiil  waxaa lagu magacaabaa , Muhannad Ziben aabihiis ma heesto, wuxuu la nool yahay adeerkiis iyo hooyadiis.

Hooyadiis Dallal waa ay ku faraxsan tahay ilmahan yer ee u dhashay, balse waxa ay umushay iyadoo uu maqan yahay aabihiis.

Israel waxa ay heysaa in ka badan  4,500 oo Falastiin ah kuwaas ku xiran xabisiyo
Israel waxa ay heysaa in ka badan 4,500 oo Falastiin ah kuwaas ku xiran xabisiyo

Aabaha ilmahan waxaa lagu magacaabaa Ammar Ziben waxa uu ku jiraa xabsi ay maamusho Israel, laakin Dallaal waxa ay tiri ilmahan waxaa ku dhalay markii aan xabsiga si dhuumaaleysi ah aan ugu tagay kaddib aan uur qaaday.

Markii ay la hadleysay BBC-da waxa ay sheegtay in 10 kale oo haween ah ay sidan oo kale uur ku qaadeen iyagoo ragooda xabsiga si dhuumaaleysi ah ugu tagay.

Arrinta si wayn ayey u soo jiitay saxaafadda, waxaana ay keentay in wareysiyo gaar ah ka sameeyeen idaacadaha caalamiga dumarka uurka ku qaada iyagoo si dhuumaaleysi ugu taga ragooda.Qaar badan oo ah hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa ka codsaday dowladda Israel in ay sii daayaan ragga dhowrka sanno xiran ee aan arki qoysaskooda si ay markale dib ula noolaadaan.

Waxaa jira maxaabiis Falastiiniyin ah oo lagu xukumay 30-ama 50 sanno oo xarig ah, kuwaasoo qoysaskooda ka sabray ama hilow u qaba.

“Xabsiyasada Israeli waxaa ka jirta xuquuqo badan, qaar qoysaskooda ayaa soo booqd kuwa ay awood u yeeshaan in xaasaskooda arkaan,” sidaas waxaa yiri wasiir dhina xabsiyada u qaabilsan dowladda Falastiin Issa Qaraqa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here