Vladamir Putin oo mar kale tijaabiyay awooda reer Galbeedka kahor kulanka Russia & England ee Euro 2016

Jaraa’idyada ugu waaweyn dalka Ingiriiska, ayaa saakay baahiyay sawirada mid kamid ah Maraakiibta xambaarta Nuclearka Ruushka oo isniinta lasoo dhaafay lagu arkay Biyaha dalkaas.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay in Markab kuwa quuso ah oo laga leeyahay Ruushka isniintii lasoo dhaafay lagu arkay Channelka Ingiriiska, waxaana arintaas ay kusoo aadeeysaa maalmo kahor inteeysan Franca ku kulmin xulalka Britain iyo Russia, kuwaasoo ka qeyb galaya tartanka Euro 2016.

HMS Kent (foreground) monitors Russian sub Stary Oskol as it enters British waters. MoD handout
HMS Kent (foreground) monitors Russian sub Stary Oskol as it enters British waters.
MoD handout

TheSun ayaa sidoo kale daabacay in ciidamada Difaaca Boqortooyada ay digniin siiyeen Markabka dagaal ee Ruushka, kaasoo wax yar kadib ka dhaqaaqay Biyaha UK.

Pic also shows Russian support tug HMS Kent (foreground) monitors Russian sub Stary Oskol as it enters British waters. MoD handout
Pic also shows Russian support tug HMS Kent (foreground) monitors Russian sub Stary Oskol as it enters British waters.
MoD handout

Tallaabadan uu Ruushka qaaday, ayaa muujineysa in Putin uu daandaansi iyo tijaabo ku haayo awooda reer Galbeedka oo aysan beryahan isku fiicneen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here