Sharciga Kalluumeysiga oo maanta Baarlamanka la horgeeyay (DAAWO VIDEO)

Baarlamaanka Somalia ayaa loo gudbiyay sharciyada kaluumaysiga xeebaha Somalia oo ay soo gudbisay wasaaradda Kheyraadku. Sharciyadan oo ah kuwii hore ayaa waxaa ku cusub oo ku jira sharci ka hadlay ganaax lacageed oo malaayiin dollar ah oo la saari doono maraakiibta sunta ku daadisa ama sida sharci-darrada uga kaluumaysta xeebaha Somalia.

Wasaaradda Kheyraadka ayaa sheegtay in lacag u dhaxeysa 100 malyuun ilaa 500 malyuun oo dollar la ganaaxi doono maraakiibta lagu helo iyagoo sun ku daadinaya biyaha Soomaaliyaa, sidoo kale la ganaaxi doono inta u dhaxeysa 1 Malyuun iyo 10 Malyuun oo Dollar maraakiibta iyagana lagu qabto kaluumaysi sharci darro ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka doodaan sharciyadan kadibna ansixiyaan.

SHARCIGA KALUUMEYSIGA SOOMAALIYA

Halkan Hoose ka daawo Video-ga kulanka Baarlamaanka


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here