Video: Weerarkii Liido oo lasoo af jaray & dhimashada oo gaartay 20

Two ambulances stand on the scene of a bomb attack on January 21, 2016 at Lido Beach, in Mogadishu
Two ambulances stand on the scene of a bomb attack on January 21, 2016 at Lido Beach, in Mogadishu

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa waxay goor dhow xaqiijisay in la soo gaba gabeeyay weerarkii hubeysnaa, ee lagu qaaday Xeebta Liido.

Qoraal ay Nabad Suggida soo dhigtay bogga ay ku leedahay Twitter-ka, ayaa waxay ku sheegtay in loo gurmaday dhammaan dadkii ku sugnaa Xeebta Liido, lana soo badbaadiyay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa qoraal uu isna soo dhigay Twitter-ka waxaa uu si xoogan uu ugu cambaareeyay weerarkan. Ra’iisal Wasaaraha wuxuu weerarkaasi ku sheegay mid wuxuushnimo ah.

Inkastoo aanay weli laamaha ammaanku ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan, ayaa waxaa dhinaca kale soo baxaaaya warar sheegaaya in dhimashadu ay ka badan tahay 10 ruux, halka 25 kalana ay ku dhaawacantay.

Inta badan dhaawacyadan, ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Daaru Shifaa. In ka badan 15 ruux ayaa iminka xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa Daaru Shifaa, halka inta kalana la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, ayaa ku faantay in xoogag taabacsani ay caawa xoog ku galeen Xeebta Liido. Al Shabaab waxay qiil ka dhigatay in Madaxda Dowladda Somaliya iyo Caddaanba, ay u tamashlo taggaan Xeebtaasi.

2 COMMENTS

  1. This is a proxy war against innocent civilians..
    Somali people need to wake up for the atrocities and hold into account those who are responsible such a cowardly attack against innocent civilians..

    Beach view Attack was an act of terror.

  2. Qaraxyadda & Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca dalka Soomaliya waxa ka dambeeyo Yahuuda & shirkadaha cooprationska ee xaalufiya hantida & qeryaadka debicaga ah ee dowladdaha soo koraayo.

    Waxaa arintaani ku bahoobey waa 3 urur oo kala ah :-

    UN = waa dulaalka uGu weyn ee fududeeya in qeyraadka wadama soo koraayo la boobo. waxa uu ururkani u dhexeeya wa shirkadaha cooprationka ah ee doonaya iney hantida ( Shidalka, Macdan & qeyradka kale ee dabiciga ah) qaatan ayuu dulaal u yahay, una sahmiyaa imeesha uGu haboon oo ay hantida ka xadi karan.. dhinaca kale UN-ka wuxuu kaloo u shaqeeya dowladda reer galbeedka gaar ahan iney u keydaan xogta wadama ay joogaan, xogtaasi waxay u sahleysa dowladaha reer galbeedka & shirkadaha coprationska ah iney helaan wixii macluumad ah oo ay uga baahan yihiin wadamada ay danaha siyaasadeed & mid dhaqaale ba ka leeyihiin.

    Social & communication networks = Baraha lagu kulmo sida FAcebook,twiter,googlechorome,outlook iwm = shirkadahaani waxay ay isku bedeleen waxa loo yaqaano survallience networks ama shirkado lagula socdo dhaq dhaqaaqa dadweyna caalamka,iyo waxa ay ka hadlayaan…shirkada facebook, hehiiskii uGu dambeyey waxay la gashey dowladda mareykanka iyadoo u sameysay program la yirahdo prism. kaasi oo u fudeednayo dowladd mareykanka iney xogta dadweyna caalmka ee ku keydsan facebook sarevers & google servers ka qaadato shirkadaha wixii xog ah oo ay heyaan.. adeegaasi waxa la yiraah ( Back door service ) waxaa xagal daacis xog, iyo wixii ay ka heyaan shacab weynaha caalamka…

    Social Media = shirkadaha warbaahineed sida fox, washingtonpost,dailymail,thegurdian,teleptraph,bbc,itv iyo Channel iwm ).. shirkadahani waa kuwo baahiya beenta sidaasada ay reer galbeedka ka leeyihin caalamka.
    cooprations = Shirkadaha ku dhisan qaabka Xatooyo waxa ay iyaguna maalgashadaan, weliba si sharci darro ah oo aan la ogeyn dowladdaha Afrika ee soo koraayo.. Maalgashigooda ku dhisan qaabka boob-na waxaa gar wadeen ama dulaal ka ah Ha’ayadda UNKa.. sidaasi ayay iskula shaqeeyaan Hay’ada,shirkadaha & ururadda ku midobey iney dhacaan Hantida & qeyraadka Dabiciga ah ee Wadama soo koraayo.

    UN = New World Order…

    WAxaa suuro gal ah in Dowladdaha UK & US ay ku lug leeyihin ARgagixisada soomaliya ka jirto.

    lama soo koobi karo inta qof ee muwaadin soomali ah ( British Ama US ah ) ee ku dhintay qaraxyadda kala duwana ee lagu bartilmaameedsadey hoteeladda iyo goobaha lagu qaxweeyo !!

    Dowladda US & UK, waxaa ka dhexeeya heshiis hoose oo Amni & mid qalaalse ay uga abuuraan wadamadda hada soo koraayo oo ay Soomaliya ka jirto..! Arintaani waa in la ogaada.. Dowladda US & UK, wax wanaag ah oo ay soomaliya la raabaan midna ma jirto…

    Waxaa kaloo jiro oo aysan dad badan oo Soomali ah ka warqabin, in shirkadaha Techonlogyga sida ( FAcebook, twiter,Googl chrome, Google map, Outlook & dhaman Microsoft products oo ay ku jirto windows 10 )..

    Shirkadaha kor ku xusan dhamaantood waxay u isticmaalan qaab jaajusnimo, iyo in lagu aruursado Xogaha Dadweynaha dunidda ay ku wadagaan baraha lagu kulmo….

    Intaasi waxaa dheer in shirkadaha ay si hoose heshiis hoose oo qarsoodi ah ay la galeen si ay u joogteeyaan xogaha ay siisaan dowladaha USA,Canada,UK & Australia.

    Shacabka Soomaaliyeed waa dulman yahay, in badan oo inagama mid ahna ma oga, Waxaabaha ay dhaxalin siin karto,, in xogta & sawiradda qoysakaga aad ku shubto ( Mark Zuckerberg Data Servers ama shirkadaha facebook serverska ay uk leedahay California..) data mininig ka waa dhibaatadda Cusub oo hada dunidda ku soo siyaadey. maadama dagaalka dunidda hada ka socda uu yahay waxa loo yaqaano proxy-war…

    Shirkadaha loo sameystey Data Drain ama waxa loo yaqaano Data minining Companies..coopration companies-kaaniwaa kuwa qalalaasaha siyaasadeed & Dagaalada sokeeye ka abuuro dowladdo badan oo afrikaan ah….

    Dowladda Federalka Soomaliya, & shacabka Soomaliyeed ba waa iney xil iska saran, kana taxadaraan ku keydsashada xogaha, sawiradda & aqbaaradka ay ku shubaan si lacag la’aan ah baraha lagu kulmo oo ay ku jiraan Facebook,twiter & google ama gmail.

    Somali’s Data Drain needs an urgent solution for tech related problems…sooner or later we will realise that we will need Somali based Technology companies to keep secure our citizens Data in Somalia for Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here