Video: Wasiir katirsan Xukuumada oo ku dhintay weerarki Naasa-Hablood

Weerarka NaasahabloodIyadoo ay jireen warar sheegaya in weerarkii xalay lagu qaaday hotelka Naasa Hablood in uu ku geeriyootay Burci Maxamed Xamza oo ahaa wasiir dowlihii xafiiska ra’iisulwasaarah ee dhanka Bii’ada ayaa dowladda Soomaaliya arintaas xaqjiisay.

Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray tacsi uu u diraaya burci Maxamed Xamze oo ku dhintay weerarkii xalay.

Wararka ku aadan geerida Burci Maxamed Xamze ayaa soo baxaayay ilaa xalay, balse Wasiirka Arimaha Dibada ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay.

Burci Maxamed Xamze ayaa soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, hadana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here