Video: Warbixin ku saabsan horumarka & dib u dhiska Muqdisho

MuqdishoGanacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay olole xoogan oo ay uga qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalka, iyagoona daafaha magaalada ka hirgeliyay xaafado cusub ka hirgeliyay qaar ka mid ah degmooyinka isla markaana ka dhisay guryo si casri ah loo dhisay.

Telefishanka Aljazeera ayaa warbixin xiiso leh ka diyaariyay doorka ganacsatada iyo howlaha ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoona maamulka gobolka Banaadir kula heshiiyay in dayactir lagu sameeyo waddooyinka ku burburay dagaaladii ka dhacay magaalada.

Mashruuca ay iska kaashanayaan ganacsatada Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir oo lagu kabay dhaqaale laga soo ururiyay dadweynaha ee halku dhigiisu yahay “Hal Dollar dalkaaga ku dhiso” ayaa iminka xoogaa horumar ah sameynaya, kaddib markii dayactir lagu bilaabay wadadii ugu dheereyd magaalada Mudisho ee loo yaqaano “wadada wadnaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here