Video: Uhuro oo qurbajoogta Soomaaliyeed ugu baaqay…

Uhuro Kenyatta
Uhuro Kenyatta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo gabagabadii shirka IGAD ee Muqdisho saxaafadda kula hadlay hotelka shirka ayaa ammaanay sida Somaliya u martigelisay shirka madaxeedka IGAD.

Kenyatta oo shirka jaraa’id ay ku wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina waxaa uu codsi u diray qurbo-joogta Somaliyeed iyo maalgeshiyaasha caalamiga ah in ay maalgelin ku sameeyaan gudaha Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay dadka Qurbajoogta Somalida ah in laga doonaayo inay dalkooda Maalgashi ku sameeyaan, xilli Dowladda Somaliya ay ku dadaalayso suggida amniga.

Somali badan ayaa waxa ay ganacsi kala duwan ku leeyihiin dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi oo goobo ganacsi waaweyn ay uga furan yihiin.

“Waa markii iigu horreysay Muqdisho laakin ma noqon doonto markii iigu dambeysay” sidaa waxaa saxaafadda u sheegya Kenyatta.

Madaxeweynaha Kenya waxaa uu mar kale ku celiyay sida dalkiisa uga go’antahay garab istaagga Soomaaliya dhinac walbo isagoo sidoo kale ammaanay horumarka uu dalka sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here