Video: Turkiga oo balaarinaya Laamiyada Muqdisho

2014319635308152878332760DSC_0034Dawlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay kordhisay waddooyinka ay ku wado dayactirka iyo dib u hagaajinta ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho kuwaasoo ku ekaa illaa 23km oo kaliya.

Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho Mudane Ismanil Aydil ayaa sheegay in 7km oo dheeraad ah lagu kordhiyey dhismaha waddooyinka iyo dayactirka ka socda, isagoo sheegay in badi qalabka loo adeegsanayo dhismaha laga iibiyey gudaha dalka.

“Waxaanu dooneynaa in Muqdisho u ekaato caasimadaha wadamada horey u maray, waxaanu dhisnay wadooyin dhan 23km oo labada dhinac ah (sii socod & soo socod) taas oo loo isticmaalay 33,000 kun ton oo shub ah iyo 15,000 ton laami ah, 2500ton jaay ah, qorshaha wadooyinkan oo loogu tala galay in la dhameystiro agoosto 2013 dib ayuu u dhacay waxana la dhameystiri doonaa agoosto 2014” ayuu yiri xoghayaha koowaad ee safaarada Turkiga oo shir jaraa’id qabtay.

Diblomaasigan Turkiga ah ayaa cadeeyay in dhaqaalaha lagu dhisay oo dhan 33 million oo dollar ay bixisay dowlada Turkiga, lacagtaas inteeda badan oo dhan 23 million waxaa lagu iibiyay alaabo laga gaday gudaha dalka Soomaaliya sida shamiido, dhagax, carro, shidaal, biyo, mushaar shaqaale iwm, taasi micnaheedu waa in mashruucani dhismaha ka sokoow uu yahay shaqo loo abuuray dadka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here