Video: Taliyiihii ciidamada Cirka oo qirtay inuu qorsheeyay Af-gambigii dhicisoobay

13781825_882368798533791_1450337668712692335_nWakaalada wararka u faafisa turkiga ee Anadolu, ayaa daabacday in taliyihii hore ee ciidamada Cirka dalkaas Gen Akin Ozturk, uu qirtay inuu isaga soo abaabulay Af-gambigii dhicisoobay.

Wakaalada Anadolu, ayaa sidoo kale sheegtay in Gen Akin Ozturk, uu maxkamad milatari horteeda ka qirtay in asiga uu ahaa maskaxdii ka dambeysay af-gambiga, islamarkaasna uu doonayay in talada uu ka tuuro Madaxweyne Erdogan.

13692514_882368795200458_6258310822262215780_n

Gen Akin Ozturk, ayaa sidoo kale kamid ahaa golaha sare ee ciidamada Turkiga, waxaana lagu waday inuu howlgab noqdo marka la gaaro 30 Augusto ee sanadkaan.

Ciidamada amaanka Turkiga ayaa ilaa iyo hada xiray ilaa 6 kun oo sarkaal, kuwaasoo lagu eedeeynayo ineey qeyb ka ahaayeen Inqilaabka dhicisoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here