Video: Suldaanka Beelaha Somaliland oo fariim calaacal ah u diray Itoobiya

suldaan-maxamed-cabdiqaadir-oo-mTan iyo intii uu dhacay xasuuqii lagu laayay shacabkii Deegaanka Gaashaamo waxa isa soo tarayay xiisada colaadeed oo ka dhex aloosantay shacabka somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan maamulka jigjiga.Hadaba iyada Wararka Deeganka Somalida Itoobiya laga helayo ayaa sheegaya in loo hanjabay Ganacsato wawayn oo ka soo jeeda somaliland oo Ganacsiwayn ku leh Itoobiya,kuwaasi oo loogu hanjabay in ay Isir ahaan ka soo jeedan somaliland.Ganacsatada loo hanjabay waxa ka mid ah Ganacsadaha wayn ee qaadka Itoobiya Ina Afdiinle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland,waxaana lagu eedeeyay in ay garab la yihiin somaliland sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Jigjiga,sidoo kale waxa ka mid ah dadkaasi shirkadda Xawilaada Dahabshiil iyo Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali oo hada isaga Telefishankiisii Hawada laga Saaray.

Waxa arrinta Ganacsade Ina Afdiinle ka qayliyey Suldaanka Guud ee beelaha somaliland Suldaan Maxamed Cabdi Qadir.
Isku soo wada xoori oo Itoobiya iyo somaliland oo xidhiidh qodo dheer oo fiicani ka soo dhexeeyay intii ay jirtay somaliland ayaa hada u muuqta mid hada soo xumaanaya xidhiidhkaasi isla markaasina,uu hormuud ka yahay kala dilka Addisababa iyo Hargeisa maamulka Jigjiga.

Xigasho: Qarninews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here