Video: Nin saaxiibkiis u dilay maxaad lacagta maqaayada iiga bixisay

downloadWaxaa dhawaan dhacdo aad loola yaabay dad badana ka naxeen ay ka dhacday Maqaayad kutaala magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kadib markii nin oday ah uu gudaha maqaayadasai ku dhax dilay nin ay saaxiibo ahaayeen ay goobtaasi kawada cunteeyeen.

Ninka Odayga ah ee dilka u geestay saaxiibkiis ayaa la sheegay in uu ka carooday kadib markii saaxiibkiis ay wada cunteeyeen uu si eeg deg ah u bixiyay biilka lacagta lagu soo dalacay, waxa uuna ninkan doonayay in isaga uu bixiyo lacagtaasi ay raashinka ku cuneen.

Odayga oo Carooday ayaa banaanka maqaayada gaarigiisa oo yaalay waxa uu kala soo deegay bistoolad u saarneed waxa uuna kadib labo xabadood qeybah hoose uga dhuftay saaxiibkiis, waxaana markii dambe ninkii la dhaawacay uu ku geeriyooday Isbitaalka kadib markii uu dhiig baxay.

Ciidamada booliiska ayaa xiray ninkii dilka layaabka lahaa u geestay saaxiibkiis, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn looga hada hayo dalka Turkiga iyo wadamo badan ay ku faaftay aqbaarta dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here