Video: Kooxo bilaabay ineey bililiqeystaan nalalka cad-ceeda ku shaqeeya ee Muqdisho

Muqdishu-street-lightsMagaalada Muqdisho oo iftiinkii wadooyinka ay dib u soo noqdeen, kadib markii laga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo lagu ifinayo caasimada, laguna suray nalalka cad-cadeeda ku shaqeeya, ayaa waxaa soo baxaya kooxo bililiqeysta xiliyada habeenkii ee dadku seexdaan.

Kooxaan burcada ah ayaa nalalka wadooyinka ifiya waxay kala baxaan bateriga iyo sollarka cad-ceeda ku shaqeeya, waxaana bilowday howlgal roondo ah oo lagu ilaalinaayo nalalka wadooyinka suran ee bilicda magaalada ka qeyb qaadanaya.
Agaasimaha waaxda korontada gobolka Banaadir, Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in bilicdii magaalada ay dib usoo noqotay, nalalka wadooyinka surana ay qeyb ku leeyihiin, inkastoo uu sheegay in kooxo burcad ah oo ka ganacsada xatooyada ay fur furtaan nalalka wadooyinka, maamulka gobolkana uu la dagaalamo kooxahaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here