Video: Gudoonka Baarlamanka S/land oo gacmaha iskula tegay

Waxaa maanta buuq ku dhamaaday kalfadhi ay yeesheen Golaha Wakiilada ee Soomaaliland, kadib markii Baarlamaanka la horkeenay mooshin ay horey uga doodeen Xildhibaanada oo uu mar 2aad kusoo celiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Mooshinkan ayaa la xariira in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay, mashruucaasi oo uu Baarlamaanka horey uga dooday ayaa cod horey loogu qaaday Baarlamaanka ku diiday in la wareejiyo Haamaha Shidaalka. Balse Madaxweynaha ayaa markale Baarlamaanka kusoo celiyey mashruucan inuu ansixiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=EdQQs6c-cH4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here