Video: Faroole oo saluugay Baarlamanka Soomaaliya ee lasoo dooran doono

Cabdiraxmaan Faroole
Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynihii hore Puntland ahna murashax u taagan jagada madaxtinimada waddanka Somalia, ayaa ka hadlay soo xulista Barlamanka Somalia ee badali doona kuwa haatan jira, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka dig toonaadaan qaladaadkii horey u dhacay inaysan ku lug lahaan mudanayaasha imaan doona.

    “Fariinta aan dadweynaha u dirayaa waxa weeye, bacdamaa doorashada soo socota la qaatay 4.5 ayna jiraan niman murashaxiin ah oo iyagu doonaya inay soo xulaan Barlamanka halka dadku uu dooran lahaa,” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole.

Farole, ayaa tilmaamay Xildhibaadii ay soo xuleen 135-ta oday dhaqameed in bulshada Somaliyeed iyo beesha caalamka saluug ka muujiyeen, wuxuuna taa badalkeeda codsaday in kuwa haatan imaan doona loo soo xulo qaab hufan isagoo ka digay inay ku lug yeeshaan siyaasiyiinta dantoodu tahay qaabkii kursigaasi ugu soo bixi lahaayeen inay gacan ka gaystaan Barlamanka.

“Waa jiraa oo saluug baa jira Barlamankii kan ka horeeyay, 135-tii oday dhaqameed ay soo xuleen kaligood saluug baa ka jira Somali oo dhan xageeda iyo beesha caalamka,” Ayuu Farole hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay inuu yahay murashax balse uusan ka qayb qaadanayn soo xulista Barlamanka Somalia, isagoo tilmaamay inuu ku qanacsanyahay mudanayaal ay soo xulaan waxgarad, odoyaal, aqoonyahanno iyo dad reer magaal ah.

    “Maanta bulshada Somaliyeed waxaan ugu baaqayaa una soo jeedinayaa weel gun buu ka unkamaa, maanta waxaa idin horyaal sidaad u soo dooran lahaydeen Barlamankii idin mathli lahaa oo dowladda Somaliyeed oo dhab ah idiin gudbin lahaa, Madax Somaliyeed oo hogaan mudan idin ku hogaamiso, dowladdi Somaliyeed ee sharafta lahayd soo celisa, taasi oo idin siisa adeegyadii aad rabteen iyo nidaamka federalka oo aad idinku ikhyaarkii ku soo doorataan cidaad rabtaan idin gaarsiisa,”Sidaasi waxaa sheegay Murashax Cabdiraxmaan Farole.

Farole wuxuu Barlamanka imaan doona ugu baaqay inay eegaan danta shacabka iyo maslaxadda Somaliyeed islamarkaana doortaan qofka ku haboon oo dalka ka saari kara xaaladda hadda ku jiro.

Xigasho: Garoweonline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here