Video: Digriga iyo Daba-jeexa

ahlusuna-ciidan-720x340Ahlusuna Wal-jamaaca, waa koox Aaminsan mad-habka Suufiyada, waxeeyna xukumaan qeybo kamid ah Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya xaruuntoodana waa Dhuusamareeb.

Waqtigu wuu is badalay, kooxdan waxaa lagu yaqiin ineey ahaayeen dad nabadeed oo iska digriya, lagumana aqoon Hub iyo dagaal, balse markii ay soo if baxeen al-shabaab, ayay bilaabeen ineey bur buriyaan qabriyada ay ku duuganyihiin Shiikhyaal caan ahaa oo kamid ahaa dariiqada Suufiyada.

Sidoo kale al-shabaab waxeey bilaabeen ineey la dagaalamaan Suufiyada oo ay ka hor joogsadaan Digriga, taasoo sababtay ineey iyagana Hubka qaataan oo ay la dagaalamaan.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa Barnaamij gaar ah oo warbaahinta Dalsoor Media ay ka diyaarisay Ahlusuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here