Vidal: Juventus waa ay awoodaa in ay ku guuleesato labo koob

Vidal: Juventus waa ay awoodaa in ay ku guuleesato labo koob
Vidal: Juventus waa ay awoodaa in ay ku guuleesato labo koob

Arturo Vidal ayaa sheegay in uu aaminsan yahay kooxdiisa in ay ku guuleesato horiyaalka Talyaaniga ee Serie A iyo koobka Europa League.

Cayaaryahanka reer Chile ayaa daah furay goolkii koobwaad ee ka dhalatay cayaartii Khamiistii  horre ka dhacday da;lka Turkiga halkaasoo ay 2 iyo o uga soo adkaadeen Trabzonspor.

Vidal ayaa ka maqnaan doona kulan horiyaalka Talyaaniga toddobaadkan oo ay isku aadan yihiin kooxda AC Milan maadama la ganaaxay.

“Cayaartii aan la cayaarnay Trabzonspor si fiican ayaan u cayaarnay, sidda aan ku billownay waxa ay ahayd si fiican waana u qalanay in aan guuleesano” siddaas ayuu u sheegay Juventus TV.

Juventus ayaa sagaal dhibcood oo nadiif ka horreysa Roma kala horreynta horiyaalka Serie A in kastoo uu horiyaalka ka harsan tahay 13-kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here