Verratti oo dhabarka ujeedinaya Barcelona si uu Real ugu biiro

MARCO VERRATTI | PARIS SAINT-GERMAIN
MARCO VERRATTI | PARIS SAINT-GERMAIN

Wararka ka’imaanaya Spain iyo Faransiiska ayaa sheegaya in xidiga reer Italy ee qadka dhexe uga ciyaara PSG Marco Verratti uu doorbidayo ku biirista Real Madrid halkii uu Barcelona ku biiri lahaa.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayaa xidiga PSG, kaasoo ay u badantahay inuu xagaagan isaga soo hayaamo Horyaalka Faransiiska.

Verratti ayaa sanadihii lasoo dhaafay ahaa ciyaaryahan ay si aad ah ugu loolamaan naadiyada ugu tunka weyn qaarada Yurub.

In kastoo Real ay haysato Kroos,Modric,Isco iyo Casemiro hadana waxeey doonayaan ineey keenaan Verratti si uu tartan uga dhex abuuro xidigahaas.

Sidoo kale Barcelona ayaa dooneysa in Verratti oo 24 jir ah uu u badalo booska uu faarujin doono Iniesta kaasoo da’da ka daba timid loona badinayo in xagaagan uu ka tago kooxda.

Wargeyska Diario Go lee kazoo baxa Spain ayaa daabacay in Verratti uu doorbidayo ku biirista Real hadii ay labada koox dalab kasoo gudbiyaan.

Verratti ayaa dareensan in Real uu kula guuleeysan karo Koobab waaweyn, maadaama 4 sano gudahooda ay Real ku guuleeysatay 3 Champion iyo Hal Horyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here